1128 Views

Imaraadka Carabta oo xaqiijiyay dhimashadii ugu horeysay ee Corono Virus

Imaraadka Carabta oo xaqiijiyay dhimashadii ugu horeysay ee Corono Virus
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Sabsti   , March 21, 2020 —Dowladda Isutagga Imaaraatka carabta ayaa shaacisay geerida labo bukaan oo qabay cudurka ‘coronavirus’, waana tii ugu horreysay ee nooceeda oo kale ah oo laga soo wariyo dalka.

 

Wasaaradda caafimaadka ayaa warbixin ay soo ku sheegtay in mid ka mid ah labada qof uu yahay 78 jir ka yimid Yurub. Sababta geeridu waxay ahayd wadne qabad, uu sababay COVID-19.

 

 

 

Bukaanka labaad wuxuu jiray 58 jir dhalasho ahaan wuxuu kasoo jeeday Aasiya waxaana uu degganaa Imaaraadka Carabta.

 

Coronavirus ayaa markii ugu horraysay laga helay Magaalada Wuhan ee bartamaha Shiinaha isagoo markaa kadib ku faafay ugu yaraan 164 dal.

 

Horaantii bishaan, Ururka Caafimaadka Adduunku wuxuu ku dhawaaqay cudurka dillaacay iyaga oo u aqoonsaday Masiibo Caalami ah.

 

Marka loo eego xogta ay soo aruurisay jaamacadda fadhigeedu yahay Mareykanka ee Johns Hopkins, tirada dhimashadu hadda waxay ka badan tahay 11,000 oo in ka badan 258,000 ayaa la xaqiijiyay in ay qabaan Covid 19. Ilaa 87,000 oo qof ayaana soo kabsaday.

 

Waxaa jira 140 kiis oo ah cudurka coronavirus in laga soo sheegey dalka Imaaraadka Carabta illaa iyo hadda.

 

Dowladda ayaa soo bandhigtay xayiraad saaran dadka rakaabka ah, laakiin ilaa iyo hadda ma ay soo rogin tallaabooyin xayiraad ah, iyada oo ay jiraan in sharci aan laga soo saarin goobaha dadweynaha, sida xarumaha dukaamaysiga iyo makhaayadaha oo ah kuwa wali furan.

 

In kabadan 1,300 oo kiis corona ah ayaa laga helay Gobolka khaliijka, iyadoo kiisaska intooda badan ay ahaayeen dad ka laabanayey dalka Iiraan, oo ah mid ka mid ah waddamada dhibka daran ku haayo CoronoVirus.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment