846 Views

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo war ka soo saartay doorashadfa doorashada xildhibaanada golaha shacabka

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo war ka soo saartay doorashadfa doorashada xildhibaanada golaha shacabka
____________________________________________________________________________

Axad: November 14, 2021

Saacado kadib markii shalay la dhameestiray kuraasta Aqalka sare ee ku harsanaa Galmudug ayaa waxaa ka hadashay arintaas Q.midoobay.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war ka soo saaray dhameystirka doorashooyinka golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, waxayna QM dalbatay in la dedejiyo doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

Sidoo kale qoraalka Qaramada Midoobay waxaa lagu dalbaday in doorashada xildhibaanada golaha shacabka ay noqoto mid lagu kalsoonaan karo.

“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay soo dhawaynaysaa gabagabada doorashada dhammaan kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, waxayna ku baaqaysaa in si deg deg ah loo soo dhameystiro doorashada Golaha Shacabka oo loo dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sabtidii shalay waxaa Dhuusamareeb lagu doortay labadii kursi ee u dambeysay doorashada golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana horay loo doortay labadii kursi ee u horeysay xildhibaanada golaha shacabka.

Dhanka kale guddiga doorashada Somaliland ayaa maanta shaaciyey in toddobaadkan la qaban doono doorashada 9 kursi oo kamid xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Guddoonka guddiga doorashada Somaliland Sagaalka Kursi ayaa waxay sumadoodu tahay Hop#214,Hop#218,Hop#226,

Hop#223,Hop#208,Hop#210,Hop#272,Hop#202 iyo Hop#225.

“Waxaan guddiga doorashooyinka (FEIT) ku wargelinaynaa liiska kuraasta baarlamaanka gollaha shacabka ee aan ugu tala-galnay toddobaadkan in aan doorashadooda qabanno, kuwaasi oo tirsigoodu hoos ku xusan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Somaliland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post