288 Views

Qarax loo adeegsaday qof isku soo xiray Suun oo goordhow ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn xarunta maamulka gobolka Banaadir

Qarax loo adeegsaday qof isku soo xiray Suun oo  goordhow ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn xarunta  maamulka gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________

.

Axad: January 22, 202

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa goordhow ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn xarunta maamulka maamulka gobolka Banaadir oo ku taalla degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay dhabarka dambe dhismeyaal ku dhow agagaarka xarunta dowladda hoose ee Xamar, halkaas oo ay ku yaalaan xafiisyada mas’uuliyiinta gobolka Banaadir.

Jugta qaraxa ayaa si weyn looga maqlay xaafadaha Muqdisho, waxaana sidoo kale la maqlay rasaas xoogan oo xigtay qaraxa.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo gaadiidka gurmadka deg degga ah ayaa goobta gaaray, si ay u gurmad ugu sameeyaan dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana jiro dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerarkan loo adeegsaday qaraxa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post