1767 Views

Ciidanka AMISOM oo waqti kordhin loo sameynayo!

Ciidanka AMISOM oo waqti kordhin loo sameynayo!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL| May 12 202-Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ku sugan ayaa waqtiga loo dheereynayaa marka la gaaro 31-ka December 2021 waxaana looga dhigayaa in ay Dalka sii joogayaan ilaa inta ay amniga uu ka xasilayo lagana xaqiijinayo in ay dhammaado qabsoomidda Doorashooyinka Soomaaliya.

Go’aankaan ayaa kasoo baxay kulan Talaadadii ay yeesheen 15-ka xubnood ee Midowga Afrika u qaabilsan Guddiga ammaanka iyo nabadgalyada sida lagu cadeeyay bayaan kasoo baxay fadhigooda kadib.

Qorshahaan ayaa xal u noqonaya welwelka laga qabo soo afjraridda howlgalka Midowga Afrika ee soo bilawday 2007-dii maadaama uu waqti dheer qaatay ku tiirsanaanta ciidanka afrikaanka ah ee Dalal kala duwan.

15-ka Dal ee Doorashada saddexda sano ah ku yimid ee Golaha Nabadda & amniga Midowga Afrika ayaa kala ah: Kenya, Djibouti, Ethiopia, Egypt, Nigeria, Algeria, Benin, Burundi, Cameroon, Chad, Ghana, Lesotho, Malawi, Mozambique & Senegal.

Qorshahaan oo soo jeedin ah waxaa loo gudbiyay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo taageera howlgalka Ururka Midowga Afrika ee AMISOM dhankooda looga helo fasaxa waqti kordhinta Bishaan May 2021.

Ciidamada AMISOM Sanad weliba waxaa loo kordhiyaa waqtiga, ujeedka ay Soomaaliya u joogaan waa ilaalinta xarumaha muhiimka ah ee Dalka, la shaqeynta Ciidamada qaranka & la dagaalanka Al-Shabaab sida ku xusan diiwaan qorsheydka AU & UN-ka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post