1032 Views

Askari Maraykan ah oo ka mid noqday tiro dad ah oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay Garoonka Kabul

Askari  Maraykan ah oo  ka mid noqday tiro dad ah oo ku dhintay  laba qarax oo ka dhacay Garoonka  Kabul
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 26, 2021

 Askar Maraykan ah ayaa ka mid noqday tiro dad ah oo waxyeelo ka soo gaartay laba qarax oo ka dhacay meel u dhow gegida dayuuradaha ee Kabul xilli uu socday hawlgal ballaaran oo daadgureyn.

Sida uu sheegay Pentagon-ka, dad rayid ah iyo xubno ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa ka mid ah dadka ku dhintay wax lagu tilmaamay weerar adag.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin in weerarro kale ay ka dhacaan garoonka diyaaradaha kaddib qaraxyadii mataanaha ahaa, kaasoo sarkaal Talibanka ka tirsan uu sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 13 qof oo ay ku jiraan carruur, ayna ku dhaawacmeen ilaallo badan oo Daliban ah.

about:blank Sarkaal Mareykan ah, oo soo xiganaya macluumaad bilow ah, ayaa u sheegay Reuters in ilaa shan askari oo ka tirsan milatariga Mareykanka laga yaabo in la dhaawacay, oo ay ku jiraan ugu yaraan mid halis ah. Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay inay jiraan ilaa 5,200 oo ciidamo Mareykan ah oo sugaya ammaanka garoonka diyaaradaha ee Kabul.

Weeraradan ayaa yimid kadib markii Mareykanka iyo xulufadiisa ay ku boorriyeen dadka reer Afghanistan inay isaga baxaan aaggaas, sababo la xiriira hanjabaad ka timid mintidiinta Daacish.

Afhayeenka Pentagon-ka John Kirby ayaa sheegay in qaraxa hore uu ka dhacay agagaarka albaabka garoonka, halka kan kale uu ka dhacay dhow Hotel Baron oo ku dhow garoonka. Laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa sheegay in ugu yaraan mid ka mid ah qaraxyada uu u muuqday mid ka dhashay ismiidaamin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post