786 Views

Taliyaha Booliska Soomaaliya oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Taliyaha Booliska Soomaaliya oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 25|  2020
—Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa gaaray wafdi saraakiil ah oo uu hggaaminayo Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, iyada oo siwyen halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Maamulka Galmudug, Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada Dowladda eek u sugan halkaas iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

U jeedka safarka Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay sidii uu dib u habeyn ugu sameyn lahaa Ciidamada Booliska ku sugan degaannada Galmudug.

Wafdiga ayaa waxaa ay kormeer ku tegi doonaan Xarumaha loogu talo galay inay ka dhacaan doorashada Xildhibaannada labada Aqal, iyaga oo qiimeyn ku sameyn doona sida loogu diyaar garoobay & howlaha Amniga ee ka socda.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Saraakiisha la socota ayaa waxaa ay kulan la qaadan doonaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post