1425 Views

Puntland oo noqotay goobta koowaad oo Soomaaliya la keeni doono talaalka Covid 19

Puntland oo noqotay goobta koowaad oo Soomaaliya la keeni doono talaalka Covid 19
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 14da Maarso, 2021–Tallaalka xanuunka COVID-19 ayaa lagu wadaa in todobaadka dambe soo gaaro magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, taas oo noqon doonta halka ugu horraysa ee la keeno guud ahaan Soomaaliya.

In ka badan 300,000 oo qof tallaal loogu tala-galay, ayaa sida qorshaysan la keeni doona caasimadda Garoowe todobaadka dambe, sida laga soo xigtay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xasan.

Tallaalkaas oo haatan ku diyaarsan magaalada Nairobi, waxa la qorsheeyay in uu Puntland soo gaaro 24-25 bishan March, iyadoo Garoowe noqon doonta halka kowaad ee laga bilaabo tallaalka COVID-19.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post