246 Views

Ruushka iyo Ciraaq oo ka wada hadlaya maalgashiga shidaalka, haqab-beelka cuntada iyo dagaalka Ukraine

Ruushka iyo Ciraaq oo ka wada hadlaya maalgashiga shidaalka, haqab-beelka cuntada iyo dagaalka Ukraine
____________________________________________________________________________

Isniin : February 6 2023 

 Wasiirka arrimaha debedda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa Axaddii booqasho ku tegey dalka Ciraaq, si uu ugala hadlo masuuliyiinta dalkaas, arrimo ay ka mid yihiin, dhinaca tamarta iyo ammaanka cunnada, sida laga soo xigtay afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee dalka Ciraaq.

Weftiga wasiirka arrimaha debedda ee Ruushka ayaa ka degey caasimadda Baqdaad, isaga oo ay wehelinayaan wefti ballaadhan oo ay ku jiraan, shirkadaha shidaalka iyo gaasta ee Ruushka, iyo maalgashadayaal kala duwaniba, sida uu sheegay Axmed al-Sahhaf oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Lavrov ayaa la filayaa inuu Isniinta la kulmo dhiggiisa dalka Ciraaq Fu’aad Xuseen, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee INA oo soo xigatay Sahhaf.

Sidoo kale wuxuu kulamo la qaadan doonaa ra’iisal wasaaraha Mohammed Shia al-Sudani, madaxweyne Abdul Latif Rashid iyo afhayeenka baarlamaanka ee dalkaas Mohammed al-Halbussi.

Wakaaladda wararka ee INA ayaa ka soo xigatay afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda isaga oo leh “in booqashada Lavrov, inay xaqiijinayso sida dalka Ciraaq uu ugu furfuran yahay dhammaan saaxiibadiisa”.

Waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay, in dalkiisu uu soo jiito maalgashadayaasha kala duwan gaar ahaan dhinaca tamarta.

Afhayeenka ayaa mar sii horraysay u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in Lavrov iyo dhiggiisa arrimaha debedda ee Ciraaq inay ka wada hadli doonaan, isbedellada la xidhiidha dhinaca amniga iyo xasiloonida gobolka, iyo aragtida dalka Ciraaq ee ku aaddan hawlgallada milateri ee Ukraine.

Waxa uu sheegay in Baqdaad ay doorbidayso, in la joojiyo coladda isla markaana in la hirgeliyo wadahadal kasta oo suurtagelinaya in colaadaas la soo afjaro.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay iyadoo uu sare u kac ku yimid qiimaha cuntada iyo tamarta ee suuqyada caalamiga ah tan iyo markii uu Ruushku weeraray Ukraine sannadkii hore.

Ciraaq oo saaxiib dhow la ah Iran, ayaa sidoo kale xidhiidh istiraatiiji ah la leh Mareykanka, oo ay weli dalka Ciraaq kaga sugan yihiin askar qeyb ka ah isbaheysiga caalamiga ah ee dagaalka kula jira kooxda Daacish.

AFP

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post