1125 Views

Guddiga Kormeerka Facebook oo dib u dhigay go’aanka in madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu ku soo laabto baraha Facebook iyo Instagram.

Guddiga Kormeerka Facebook oo  dib u dhigay go’aanka  in madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu ku soo laabto baraha Facebook iyo Instagram.
____________________________________________________________________________

April 17, 2021

Guddiga Kormeerka Facebook ayaa dib u dhigay go’aanka suurtogalnimada ah in madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu ku soo laabto baraha Facebook iyo Instagram.

Mr Trump ayaa laga mamnuucay Facebook bishii January kaddib qalalaasihii Capitol Hill.

Guddiga ayaa sheegay in go’aanka dib loo dhigay ay sabab u tahay qiimeyn lagu sameynayay in ka badan 9,000 oo ah jawaabo ay dadweynuhu ka bixiyeen kiisaska.

Go’aanka waxaa markii hore lagu waday in la soo saaro 21 April. Qoraal ay soo dhigeen Twitter-ka, ayuu guddiga ku sheegay inay go’aanka soo saari doonaan “toddobaadyada soo socda”.

 

Xukunka wuxuu noqon doonaa go’aankii ugu weynaa ee ay sameeyaan Guddiga Kormeerka tan iyo intii ay baaritaanka bilaabeen sanadkii la soo dhaafay.

Guddiga ruling will be the biggest decision the Oversight Board has had to make since it started taking on cases last year.

Guddiga ayaa loo xil saaray inay xukmiyaan go’aan dhexdhexaad ah oo adag amaba lagu muransan yahay oo uu gaaray Facebook.

Guddigan oo ka kooban 20 xubnood, isla markaana uu aasaasay milkiilaha Facebook Mark Zuckerberg, ayaa aalaaba loogu yeeraa “Maxkamadda ugu sarreysa ee Facebook”.

Guddiga wuxuu ka kooban yahay weriyeyaal, dad u dooda xuquuqda aadanaha, qareenno iyo aqoon yahanno.

Kooxda ayaa hore u xukmisay sagaal kiis oo ay ku jiraan:

 

 

Shirkadaha teknolojiyadda ee waaweyn oo xayiraad saaray Trump

 

 

Ma aha keliya akoonka Trump waxa xayiraadda la saaray. Horraantii bishan Facebook ayaa sidoo kale mamnuucay “codka Trump” kaddib markii gabadha uu soddogga u yahay islamarkaana la shaqeysa Fox News Laura Trump ay soo dhigtay muuqaal ay ku wareysaneyso madaxweynihii hore.

Dhowr shirkadood oo waaweyn oo teknolojiyadda ah ayaa tallaabo qaaday kaddib weerarkii Capitol Hill ee ay ku dhinteen shan qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 100 saraakiil boolis. Madaxweynihii hore ayaa lagu eedeeyay kicinta qalalaase iyo inuu si joogto ah u faafinayay warar khaldan.

Waxaa laga mamnuucay YouTube, balse madaxa bartaas Susan Wojcicki ayaa sheegtay in laga yaabo inay xayiraadda ka qaadaan marka ay hoos u dhacaan qalalaasaha dunida.

Waxaa gebi ahaanba laga mamnuucay Twitter-ka.

Sida laga soo xigtay barta CrowdTangle, qaa ka mid ah qoraalladii Mr Trump uu soo dhigay Facebook waxay ka mid ahaayeen kuwii ugu caansanaa gudaha Mareykanka.

Go’aan weyn oo dib loo dhigay

 

Way adag tahay in la dhayalsado muhiimadda ay isticmaalka Facebook u leedahay Donald Trump.

Isaga iyo taageerayaashiisa sare ayaa bartaas si khibrad ay ku dheehan tahay ugu adeegsan jiray dardar gelinta taageerada.

Si joogto ah ayay qoraalladiisu u ahaayeen kuwa ugu akhriska badan, ay dadku aad iskula wadaagaan isla markaana ay faallo ka dhiibtaan.

Awooddii uu u lahaa inuu ka weecdo warbaahinta caadiga ah uuna dadweynaha si toos ah ugala hadlo baraha bulshada ayay dadka qaar soo dhoweeyeen.

Go’aankan ayaa sidaas darteed aad muhiim ugu ah damaca siyaasadeed ee mustaqbalka ee Trump.

Haddii aad eegtana go’aannadii ay hore u gaareen Guddiga Korjoogtada, Trump wuxuu heystaa sabab uu rajo fiican u sugo.

Marka ay go’aanka gaarayaan, guddiga waxay eegaan xuquuqda xorriyadda hadalka iyo badqabka bulshada. Inta badan xukunnadii ay rideen sanadkan waxay u xaglinayaan dhanka xorriyadda hadalka.=

Wuuxu Trump hore uga hadlay inuu sameysan doono shirkad baraha bulshada oo u gaar ah – balse dhisidda shirkad baraha bulshada ah waqti ayay qaadaneysaa mana jirto damaanad ah inay guuleysaneyso.

Waddada ugu fudud ee uu saameyn ugu yeelan karo baraha bulshada ayaa ah in Facebook uu mar kale u oggolaado isticmaalka bartaas.

BBC

 

Office Nairobi Kenya

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post