1104 Views

Dowlada Sacuudiga oo Muslimiinta caalamka u ogolaatay in ay cimro ku tagaan xaramka

Dowlada Sacuudiga oo Muslimiinta caalamka u ogolaatay  in ay cimro ku tagaan xaramka
____________________________________________________________________________

Muslimiinta ajaanibka ah ee ka yimaad dalalka kale ee dunida ayaa markii ugu horraysay muddo dhawr bilood ah loo ogolaaday in ay masaajidka Xaramka ee Makka cimro ku tagaan tan iyo markii safmarka fayraska korona dillaacay.

Waxa shardi ah in dadka cimrada gudanayaa marka ay Sucuudiga gaadhaan ay muddo saddex maalmood ah is karantiimeeyaan inta aanay xaramka galin ee aanay ku dawaafin Kacbada.

Sucuudiu si tartiib tartiib ah ayuu u furayaa masaajidada tan iyo markii uu bilaabay in uu debciyo xayiraaddii ka hortagga fayraska korona.

Dadka ku nool dalka gudihiisa ayaa iyaga cimrada loo ogolaaday bishii Oktoobar, hase yeeshee waxa la kordhiyey tirada dadka cimraysan kara si fursad loo siiyo dadka dalka dibadiisa ka imanaya.

Xajkii sannadkan oo ku beegnaa bishii Juulaay ee 2020 waxa loo ogolaaday oo keliya 10,000 qof oo ah dadka dalka Sucuudiga gudihiisa ku nool. Taas oo ahayd tiro aad uga yar tiradii malaayiinta qof ahaan jirtay ee sannadadii ka horeeyey sida sawirkan la qaaday xajkii 2016 muujinayo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post