1218 Views

Wax ka ogow shanta qori ee riddada dheer ee ugu halista badan

Wax ka ogow shanta qori ee riddada dheer ee ugu halista badan
____________________________________________________________________________

Jimco: August 6, 2021

Qoryahan halista ah ee riddada dheer ee shiishka loo adeegsado waxaa laga yaabaa inaad ku aragtay filimaanta dagaalka ee kala duwan.

Dad badan ayaa u hanqal taaga iney wax badan ka ogaadaan qoryahan riddadad dheer ee shiishka loo adeegsado oo inta badan adeegsadaan ciidamada dambiyada ka hortaga iyo kuwa ku sugan goobaha dagaalka iyaga oo og khatarta hubkan ay leeyihiin.

Marka laga soo tago tababarrada gaarka ah uu qofka qoryahan isticmaalaya uu u baahan yahay, haddana waa in la ogaadaa qoryahan meesha fog wax ka toogta noocyadooda inay badan yihiin marwelibana kuwa cusub la soo saaro kuwi horay loo soo saarayna dib u habeyn badan lagu sameeyo.

Haddaba qoryahaasi shiishka loo adeegsada ee riddada dheer 5 ka mid ah oo aan warbixintan ku eegeyno waxaa soo saaray waddamada Britain, Mareykanka iyo Ruushka inkasta oo ay weli jiraan kuwo ka halis badan oo aan liiskan ku jirin.

Askariga looga talagalay inuu maamulo qorigan riddada dheer ee Sniper-ka waa askari si gaar ah loogu tababaray dhibaatooyinka dagaalka, kaasoo xirfad iyo tababar buuxda u leh toogashada bartilmaameedka.

Qoriga riddada dheer ee Sniper-ka marka la isticmaalayo waxaa lagu qariyaa sida dhismayaasha dushooda iyo duurka. Ujeedka loo qarinayana wuxuu yahay iyada oo aan la ogaan qoriga halka uu yaallo inuu cadowga qasaara lixaad leh uu u geysto.

Haddaba waxaan halkan idi nkula wadaageynaa xogta shan qori oo ka mid ah qoryaha riddada dheer ee Sniper-ka loo yaqaanno oo inta badan ay waddamadaasi itsicmaalaan dalalka kalana ay ka iibiyaan.

5. Qoriga Mareykanka uu sameeyey ee US CHEY M200

Qorigan waa qori weyn oo aad u culus oo uu Mareykanka sameeyey sanadki 2000. Waxaana loo naqshadeeyey in lagu weeraro cadowga ku sugan ilaa iyo 2 km. Marka aad xabbado ka rideysana waa inaad adigu maamushaa oo iskii isu maamulin.

Malahan diiradda meesha fog wax looga arko (Telescope) balse marka aad wax kaa fog shiisheyso waad ku xiran kartaa si aad wixi kaa fog aad si fudud ugu aragto cadowgaagana u beegsato.

Qasnadda rasaasta culeyskeeda waxay kaa caawineysaa marka aad qorigan isticmaaleysid waxaadna ku rakibi kartaa cod bi’iyaha (silencer) si aan codka xabbadda qoriga ka dhaceyso loo maqlin. Taasoo ka sameysan muraayad adag oo aan jabeyn. Qorigan oo la farsameeyey 2001-dii.

4. Qoriga u Ruushka sameeyey ee Orsis T5000

Qoriga afaraad ee ugu weyn qiimeyntaan waa midka ay soo saartay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Ruushka ee Promtekhnologii.Qorigaan ayaa caan ku ah in si sahlan loo isticmaalo. Waa mid ka mid ah qoryaha ugu khatarsan ee riddada fog oo la rumeysan yahay in lagu kala iibiyo dalal kala duwan.

Qorigan wuxuu ka sameysan yahay maaddo ay xabbaddu karin oo ka sameysan bir, wuxuuna leeyahay naqsahad aad u qurux badan.

Awoodda loo baahan yahay si loo yareeyo culeyskiisa waxaa lagu hagaajin karaa 600-900 garaam ama 1-1.5 kg, taasooy ku xiran tahay nooca soosaaraha.

Waxaa kale oo uu leeyahay laba lugood oo miisaanka qoriga qofka ridaya la qaybsada xilliyada loo baahan yahay xoogga uu qoriga xajintiisa u baahna in la kordhiyo.

3. Qoriga US Barrett M82

Kani waa qori weyn oo ka mid ah qoryaha riddada oo ay soo saartay shirkadda soo saarto hubka gacmaha lagu qaado ee lagu magacaabo Barret Firearms. Qoryaha kale ee meesha fog wax ka dila wuxuu kaga duwan yahay waxaa loo adeegsaday teknooloojiyad wanaagsan oo daciifinta rasaasta ka soo dhacdo iyada oo qoriga la dhigayo meel fog oo aammaan ah.

Birta uu ka sameysan yahay waa mid qabowga u dulqaadaneyso waxayna leedahay dabool ku dahran qoriga afkiisa iyo laba kaameero oo gaar ah. Waxayna awood u leedahay heerkulka iney xakameyso xilliyada qoriga wakhti la isticmaalo oo ay qoryaha badankood ay kululaadaan.

Waxayna leedahay seddex lugood oo qoriga lagu joojiyo iyada oo qorigan loo adeegsan karo baabuurta sidata qoryaha APC xilliyada dagaalka.

2- Qoriga ay British sameysay ee British Accuracy International AW50

Qorigan weyn uu Ingiriisku sameeyey wuxuu awood u leeyahay inuu dhinac kasta uu u leexdo oo marka aad isticmaaleyso uma baahnid inaad kacdo oo aad toosiso.

Masaafada ugu dheer ee qorigan la dhigi karo waxna uu ka dili karo waa 2 km, wuxuuna halki mar uu keydin karaa shan xabbadood oo xiriir ah.

Wakhti xaadirkanna qorigan waxaa isticmaala ciidamada gaarka ah ee Australia iyo Ingiriiska.

Saxnaashaha sarreysa ee qorigan ayaa ka dhigtay mid dad badan soo jiitay, iyada oo qorigan si weyn looga adeegsado dagaallada faraha looga gubto ee u baahan qoryaha sida weyn cadowga loogula dagaallami karo.

1- Qoriga Britain ay sameysay ee Britain L96A1

Waxaana dalka Britain qorigan lagu sameeyey 1982-kii ilaa iyo haddana qoriga heerki uu taagnaa marki la sameeyey waxba iskama beddelin oo si aad ah ayaa loo daneeyaa wali.

Laga billaabo qorigan, qoryaha riddada dheer ee meesha fog wax ka dili kara oo dhanka masaafada lagu tartansiiyey waxaa loo dhigay bartilmaameed gaaray ilaa iyo 2475 mitir.

Masaafada la yaabka leh ee lagu toogtay qoriganna waxay noqotay 1.5 km. Qiimaha uu suuqa hubka lagu kala iibsado uu qorigan ka joogana waxaa lagu qiyaasat ilaa iyo 110 kun oo doolar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post