1371 Views

War DEG DEG: Jadwalka doorashada oo isbeddel lagu sameeyey iyo mid cusub oo lasoo saaray

War DEG DEG: Jadwalka doorashada oo isbeddel lagu sameeyey iyo mid cusub oo lasoo saaray
____________________________________________________________________________

Sabti: September 4, 2021

Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa soo saaray jadwalka doorashada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, kaas lagu kala cadeeyey goorta lasoo gabagabeynayo doorashada Aqalka Sare iyo goorta ay bilaabaneyso tan golaha shacabka.

Sida ku cad jadwalkaan caawa ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaalka doorashada golaha Aqalka Sare ayaa la qorsheeyey in lasoo gabagabeeyo 18-ka bishaan September.

Sidoo kale 25-ka bishaan ayaa la guda gelayaa diyaarinta iyo diiwaan gelinta guddiga soo xulaya ergooyinka iyo musharaxiinta xildhibaanada golaha shacabka.

1-da bisha October ayaa lagu sheegay jadwalkaan inay bilaabaneyso doorashada xildhibaanada golaha shacabka, iyadoo lasoo gabagabeyn doono 20-ka bisha November.

about:blank Ugu dambeyntiina 25-ka November waxaa bilaabanaya shahaado bixinta xubinimada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Jadwalkaan ayaan la ogeyn sida uu u dhaqan geli doono, iyadoo ay horay u fashilmeen jadwallo ka soo baxay guddiga doorashooyinka, sidoo kalena doorashada Aqalka Sare aysan weli ka bilaaban HirShabeelle iyo xubnaha reer waqooyiga, halka Galmudug iyo Jubbaland ay xubno kale weli ku dhiman yihiin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post