1020 Views

Bandhigga filimada ee Africa uggu weyn oo furmey

Bandhigga filimada ee Africa uggu weyn oo furmey
____________________________________________________________________________



Axad: October 17, 202

Kumanaan qof ayaa ka qeyb galey furitaanka bandhigga aflaamka uggu weyn ee Africa, kaasoo ka furmay magaalada Ouagadougou, ee caasimada dalka Burkina Faso.

Munaasabaddan sanadlaha ah, ayaa dib loo dhigey bishii February ee ina dhaaftey, sababo xiriira cudurka safmarka ee Covid19.

Bandhigga filim-ka iyo Television-ka Pan Africa, oo loo soo gaabiyo FESPACO, ayaa soo jiita dad fara badan oo xiiseeya.

Dadka ayaa ka kala socda adduunka oo idil, si ay uggu dabbaal dagaan aflaamta inta badan African-ka ah, oo ay sidoo kale soo saareen dadka African-ka.

Ammaanka guud ahaan magaalada, ayaa si weyn loo adkeeyey. Gobolada Waqooyiga iyo Bariga ee dalka Burkina Faso, ayaa waxaa halkaasi ka dhacayey weeraro ay kusoo qaadayeen qolyo sheegtay iney Jihaad doon yihiin, iyagoo aan kala joogsi laheyn illaa iyo sanaddii 2015-kii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post