1005 Views

Wasaaradda duulista hawada Galmudug oo amaro ku soo rogtay diyaaradaha qaadka ka keeno Kenya.

Wasaaradda duulista hawada Galmudug oo amaro ku soo rogtay diyaaradaha qaadka ka keeno  Kenya.
____________________________________________________________________________

June 16 2021

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Galmudug ayaa amaro kusoo rogtay diyaaradaha qaadka geeya dowlad goboleedka Galmudug kadib markii uu maamulkaas ka hadlay qaadka laga keeno dhanka Kenya.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Galmudug ayaa lagu yiri ” Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Galmudug waxay ku ogeysiinaysaa milkiilayaasha iyo wakiillada diyaaradaha khaadka keeno Galmudug, Ganacsatada lasoo degta khaadka iyo haya’addaha kale ee ay quseyso laga bilaabo taariikhdu markey tahay 17/06/2021 inaan laga soo dajin karin diyaarad khaad sida garoomada Galmudug iyadoo aan laga haysan ogolaansho wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Galmudug “

Qoraalka wasaaradda ayaa sidoo kale waxaa dadka ay quseyso arintan la faray iney qaataan shatiyada islamarkaana u hogaasamaan amarka kasoo baxay wasaaradda dowlad goboleedka Galmudug.

Ugu danbeyntii wasaaradda ayaa sheegtay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii aan qaadan amarkan kasoo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Galmudug

Hoos Ka Akhri Warka Kasoo Baxay Wasaaradda

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post