1515 Views

Wasiirka howlaha guud Uganda oo dhawac halis ah loo Geystay iyo gabdhiisa oo ku dhimatay

Wasiirka howlaha guud Uganda  oo dhawac halis ah loo Geystay iyo gabdhiisa oo ku dhimatay
____________________________________________________________________________

June 1/2021

Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Uganda, horeyna u ahaa talyihii ciidanka difaaca ee dalkaasi, Gen. Katumba Wamala ayaa saaka lagu weeraray bartamaha magaalada Kampala, gaar ahaan xaafadda Kisota, isagoo kasoo baxay gurigiisa.

Gaariga wasiirka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in rasaas xoogan oo khasaare dhalisay lagu furay, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka ee Kampala waxaa weerarkan dhaawac halis ah uu ka soo gaaray wasiirka la wareeray, sidoo kale waxaa ku dhintay gabar uu dhalay iyo darawalkiisa, iyada oo dhaawaca wasiir Katumba Wamala oo daran loola cararay isbitaalka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarkan oo ay fuliyeen dabley hubeysan, gaar ahaan afar nin oo watay mootooyin nooca dhug-dhugleda ah, kuwaas oo goobta ka baxsaday.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo milatari ah oo si deg deg ah ugu gurmaday Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Uganda oo bartilmaameedka uu ahaa in la khaarijiyo.

General Katumba Wamala ayaa horey uga soo shaqeeyey Soomaaliya, wuxuuna mar  hoggaanka usoo qabtay Ciidamada Lugta Uganda ee ka tirsan howl-galka AMISOM.

Jananka ayaa sidoo kale sanadii 2005-tii illaa sanadkii 2013-kii soo ahaa taliyaha Ciidanka Lugta ee wadanka Uganda.

Dowladda Uganda weli kama aysan hadlin weerarka la doonayey in lagu khaarijiyo wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka ee dalkaas ee saaka dhacay caasimada Kampala.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post