1032 Views

Cali Guudlaawe oo la filayo in uu goor dhaw soo saaro liiska u tartamaya xubnaha aqalka sare

Cali Guudlaawe oo la filayo  in uu goor dhaw soo saaro  liiska u tartamaya xubnaha aqalka sare
____________________________________________________________________________

Talaado: August 31, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in  Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen  la filayo  in uu goor dhaw soo saaro  liiska u tartamaya xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii kulamo aan loo kala kicin uu madaxweyne Cali Guudlaawe uu ka waday tan iyo markii uu gaaray magaalada Jowhar.

Sidoo kale Musharixiin aad u fara badan ayaa gaaray saacidihii ugu dambeeyay magaalada Jowhar, kuwaasi oo doonayo in ay u tartamayaan senatorada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post