2886 Views

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay yihiin xabsi guri

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay yihiin xabsi guri
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 26, 2017 — Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabey ay xabsi guri ku yihiin Cadaado, kaddib markii ay dhowaan ka soo horjeesteen go’aankii uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ee taageerada loogu muujiyay Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo.

Cali Gacal Casir oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Madaxtooyada Cadaado ay ku xaniban yihiin, isla markaana saddex jeer loo diiday inay banaanka u baxaan.

“Runtii Cadaado waxaa ka taagan arrin aad isugu cakiran oo aad loo abuurayo, aniga, Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka, xabsi guri ayaa nahay muddo todobaad ah”ayuu yiri Guddoomiye Cali Gacal Casir oo intaa ku daray in Madaxweyne Xaaf uu bixiyay awaamiirta xabsiga guriga looga dhigay.

Waxaa uu sheegay inuu jiro mooshin ay diyaariyeen Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo qorshihiisa yahay in xilka looga qaado, waxaana uu ku tilmaamay in la diiday kulamadii baarlamaanka.

Mar la weydiiyay in waxa ay isku hayaan Madaxweynaha ay tahay go’aankii uu qaatay ee uu ku taageeray Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, ayuu sheegay in cid walba ay xor u tahay fikirkeeda, isla markaan aanay jirin cid qabsi karta.

Hadalkan ka soo yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ku soo aadaya, iyadoo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda sare ee Galmudug uu cirka isku shareeray, iyadoo warqad amar ah oo uu soo saaray Madaxweyne Xaaf uu ku mamnuucay shirarka siyaasadeed ee wax u dhimi kara maamulkiisa in la qabto

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online  | Muqdisho 

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment