1452 Views

Dadka aan Muslimiinta ahayn oo ku nool Imaaraadka oo ku farxay go’aan ka soo baxay dowladda

Dadka aan Muslimiinta ahayn oo ku nool Imaaraadka oo ku farxay go’aan ka soo baxay dowladda
____________________________________________________________________________


Isniin: November 8, 2021

Dadka aan Muslimka ahayn waxaa loo ogolaan doonaa in ay guursadaan, furaan oo ay si wadajir ahna u qaataan mas’uuliyadda ilmaha sida uu dhigayo sharciga madaniga ah ee Abu Dhabi.

Sida ku cad wareegto cusub oo la shaaciyay Axaddii ayaa wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa wakaaladda wararka dawladda ee WAM sidaasi sheegtay.

Wareegtada ka soo baxday Abu Dhabi, Sheikh Khalifa bin Zayed al-Nahayan, ahna madaxweynaha dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta, ayaa lagu sheegay in sharcigan uu quseeyo guurka madaniga ah, furriinka, masruufka, xannaanada wadajirka ah ee carruurta iyo cadeynta aabbanimada iyo dhaxalka.

Go’aanka dowladda ayaa waxaa soo dhaweeyay dad badan oo aan Muslimiin ahayn.

Dib-u-habayntan, oo ay weheliso tallaabooyin ay ka mid yihiin soo bandhigida fiisaha muddada-dheer, ayaa loo arkay in ay tahay hab ay dawladda Khaliijka ku soo jiidanayso maalgashiga shisheeye, dalxiiska iyo degenaanshaha muddada dheer.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post