753 Views

Al-shabaab oo sheegatay Qaraxii xerada ciidamada Jeneral Dhega-badan ka dhacay saakay

Al-shabaab oo sheegatay Qaraxii xerada ciidamada Jeneral Dhega-badan ka dhacay saakay
____________________________________________________________________________

June 15 2021

 Al-Shabaab ayaa shaacisay in ay Mas’uul ka ahayd  qaraxii ismiidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay  xerada ciidamada Jeneral Dhega-badan oo ku taal banaanka magaalada Muqdisho .

Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxaas uu fuliyey qof ka mid ah qeybta is-miidaaminta ee koxodaas, islamarkaana uu ujeedka ahaa in la beegsado dhallinyaro Qoraneysay askarnimo.

Kooxda ayaa sheegtay in ay qaraxa ku dishay 40 kamid ah dhallinyaradaas, sidoo kalana waxay sheegatay inay ku dhaawacday 50 kale oo ka tirsanaa ciidan loo qorayey dowladda Soomaaliya.

“Camaliyad Istish-haadi ah ayaa maanta waxay ka dhacday gudaha Xerada Turkiga ee Turkisom ee magaalada Muqdisho, waxaana xiliga camaliyada ay dhaceysay halkaasi ku sugnaa maleeshiyaad askar ahaan loo qorayay oo ka tirsan Ururka sagaalaad ee Gorgor; dhimashada waa 40 askari, dhaawacana waa 50 askari,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa War uu soo saaray ku sheegay in ay ku dhinteen qaraxaas 10 qof ayna ku dhaawacmeen ilaa 20 qof.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post