3081 Views

Shir gaar ah oo u furmay Madaxda Dowlad Goboleedyada

Shir gaar ah oo u furmay Madaxda Dowlad Goboleedyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 27da Maarso, 2021–Waxaa Goordhow Shir gaar ah uu uga furmay Hotel ku yaal Xendaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Puntland, Jubbaland, Galmudug, iyo Hirshabelle.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa xal u helida Arriimaha la xiriira khilaafka Arimaha Doorashooyinka Soomaaliya.

Shirkan ayaa looga hadlaya xaaladda uu dalku marayo gaar ahaan arrimaha Doorashada iyo xal u helista caqabadaha hortaagan qabsoomida Shirkii loo balansanaa ee doorashada.

Shirka ayaa waxaa uu daba socday shirar gaar gaar ah oo maalmihiia soo dhaafay dhexmarayay qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada kajira dalka.

Habeen ka hor waxaa baaqday shir la filayay in ui dhexmaro Madaxweynayaasha Shanta Dowlad Goboleed iyo Wakiilada Beesha Caalamka, kaas oo looga hadli lahaa ka gudbida caqabadaha hareeyay doorashada Soomaaliya.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Muqdisho uu kulan uga socday Madaxweynaya muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxweynayaasha ,Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed, kaas oo ilaa iyo hadda kasoo bixin natiijo sahli karto qabsoomida doorasho loo dhan yahay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post