1596 Views

Xukuumadda Soomaaliya Oo Sheegtay In Somaliland Laga Qeyb Galinayo Qorshaha Horumarimta Qaranka

Xukuumadda Soomaaliya Oo Sheegtay In Somaliland Laga Qeyb Galinayo Qorshaha Horumarimta Qaranka
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 16, 2019 SCabdulqaadir Maxamed Aadan oo  ah Xoghyaha Joogtada Wasaaradda Qorsheyna, Maalgashiga iyo Horumairnta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan qorshaha maamulka Somaliland loogu qeyb galinayo Watashiga Qorshaha Horumarimta Qaranka.

Waxa uu sheegay Cabdulqaadir Maxmaed Aadan in qorshaha qaranka uu noqonayo baahiyaha gaarka iyo ahmiyadaha ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed,isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii Somaliland loogu soo dari lahaa Watashiga Qorshaha Horumarimta Qaranka Xildhibaano ka tirsan laba Gole ee Baarlamaanka

Sidoo kale Xoghyaha Joogtada Wasaaradda Qorsheyna Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa tilmaamay in laba Gole ee Baarlamaanka ay ku jiraa Xildhibaano ka soo jeeda Puntland,kuwaasi oo uu xusay in ay doonayaan in iyagana lagu soo daro Qorshaha Horumarimta Qaranka.

Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Dhaxe Soomaaliya ayaa Shalay Magaalada Kismaayo ka daahfurtay Watashiga Qorshaha Horumarimta Qaranka Sagaalaad  wareeggiisa kowaad oo lala yeeshay Rugta Ganacsiga  Jubbaland.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment