588 Views

Dagaal xooggan oo ka qarxay bariga dalka Congo

Dagaal xooggan oo ka qarxay bariga dalka Congo
____________________________________________________________________________

Isniin:June 13, 2022

Dagaal culus ayaa ka qarxay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo kaasoo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada jabhadda M23. Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in ciidamada lagu weeraray deegaanka Bunagana oo u dhow xadka Ugandha.

Dowladda Kongo ayaa ku eedeysay Rwanda inay taageerto fallaagada – oo u badan malleeshiyada Tutsiga. Dowladda Kigali waa ay beenisay arrintaas. Laanqeyrta cas ayaa sheegtay in maalmihii la soo dhaafay dhowr kun oo qof ay ka qaxeen Bunagana una galeen Uganda.

Colaadda dib usoo cusboonaatay ayaa xumeysay xiriirka Rwanda iyo Congo. Sabtidii QM waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay joojiyaan rabshadaha.

. Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post