1197 Views

SAWIRO:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulamo ka wada Magalada Garoowe

SAWIRO:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulamo ka wada Magalada Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 06, 2019 –Guddiga dhismaha Garoonka kubadda Cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe ayaa kulan mahad celin ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo dhaqaale lacageed Ku taageeray dadaallada lagu doonayo in lagu dhiso Garoonka.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddiga ka dhageystay warbixin ku aadan halka ay marayaan qorshaha iyo dadaallada dhismaha garoonka Mire Awaare ee Magaaladda Garoowe , waxa uuna u muujiyey ahmiyada garoonku uu u leeyhay dhallinyaradda Soomaaliyeed iyo is-dhexgalka Bulshadda ay hormuudka u yihiin dhallinyaraddu.

 

Guddoomiyaha Guddiga dhismaha garoonka Mire Awaare, Maxamed Cali Ciise ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa uga mahadceliyay tageerada iyo garab istaagga buuxa ee dhismaha garoonka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment