894 Views

Dowlad Balan qaadey bixinta qeyb kamid ah deynta lagu leeyahay Somalia

Dowlad Balan qaadey bixinta qeyb kamid ah deynta lagu leeyahay Somalia
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhawaan kulan gaar ah magaalada Addis ababa kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Qoyska, Dhallaanka iyo Horumarinta Bulshadda ee Dalka Canada Axmed Xuseen,iyaga oo ka wada hadley iskaashiga Dowladaha Soomaaliya iyo Canada.

 

Wasiir Axmed ayaa sheegay in Dowladda Canada ay bixin-doonto 8.1 Milyan oo qeyb ka noqon doonta deymaha laga cafiyay Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in dib ay u bilaaban doonaan socdaalkii Dalalka Soomaaliya iyo Canada.

 

Wasiir difaaca ee dalka Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa uga mahadceliyay Dowladda Canada garab istaagga ay Soomaaliya u muujisay.

 

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay wadaa dadaal ku aadan sidii Soomaaliya deymaha lagu leeyahay looga cafin lahaa,waxaana jira dalal dhowr ah oo horey u balan qaadey inay deymaha qaarkood ka bixin doonaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment