456 Views

Baarlamaanka Turkiga oo meel mariyay mooshin Soomaaliya ku saaban

Baarlamaanka Turkiga oo meel mariyay mooshin Soomaaliya ku saaban
____________________________________________________________________________


Sabti: February 5, 2022

Mooshin lagu dalbanayo in la kordhiyo muddada Ciidamada Turkiga ee jooga Gacanka Cadmeed, Soomaaliya iyo Badda Carabta ilaa 10-ka Feberaayo, 2023, ayay baarlamaanka turkiga ansixiyeen.

Iyadoo baddaahaasi la geynayo maraakiibta dagaal iyo maraakiibta ganacsi ee ku xiran Turkiga ee ku socdaalaya gobolka iyo ka qaybqaadashada hawlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah burcad-badeedda, falalka burcadnimada hubaysan iyo kahortagga kooxaha argagixisada ayaa la xaqiijiyay, sida ku cad mooshinkii la ansixiyay .

Waxay intaa ku dareen in taageeridda hawlaha gargaarka bini’aadantinimo ee goobtan ay ka qayb qaadanayso kordhinta hufnaanta hawleed iyo khibradda ay qaybaha ciidamada badda ee Turkiga u leeyihiin gobolka.

Tan iyo markii ugu horeysay ee uu ansixiyo baarlamaanka Turkiga sanadkii 2008-dii, waxaa mudada joogistooda la kordhiyey ilaa 13 jeer. Gacanka Cadmeed, oo u dhow Yaman sidoo kalena u dhow marinka Bab al-Mandab, oo ah marinka afraad ee ugu weyn adduunka ee marinka saliidda,waanawaddoistiraatiiji ah oo ay saliidda cayriinkaah usoo marto bariga dhexe..

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post