1155 Views

War deg deg ah: Qarax goor dhawayd ka dhacay afaafka hore ee saldhigga degmada Waaberi

War deg deg ah: Qarax goor dhawayd ka dhacay afaafka hore ee saldhigga degmada Waaberi
____________________________________________________________________________

 May 9 2021

 Waxaa goor dhawayd Qarax xoog leh laga maqlay magaalada Muqdisho, Xili lagu jiray salaada taraawiixda Cishaha kadib, waxaana  jugtiisa laga maqlay degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Banaadir Qaraxaan

Warar  ayaa sheegaya in qaraxaan uu ka dhacay saldhigga degmada Waaberi, oo ku yaalla meel u dhaw isgoyska Dabka. Illaa hadana lama xaqiijin nooca uu yahay.

Sidoo kale waxaa jira Qasaare ka dhashay dhimasho iyo dhaawac ah, waxaana wadooyinka daadsan maydad iyo dhaawacyo aan la qaadi Karin waxaana dhacaya rasaas Xoogan.

kala soco Bogan wixii ku soo kordha arintaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post