2574 Views

DEG-DEG:-Dhimasho iyo dhaawac soo kala gaartay Laba Qoys oo dhul ku muransan deegaanka Ceelasha Biyaha

DEG-DEG:-Dhimasho iyo dhaawac soo kala gaartay Laba Qoys oo dhul ku muransan deegaanka Ceelasha Biyaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 20, April 2017 –Laba Qoys oo uu ka dhexeeyo muran Salka ku haya Dhul ayaa Maanta ku dagaalamay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Wararka aan ka heleyno deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegay in Laba Nin oo ku muransan Dhul ay Isku Toorayeeyeen Halkaasi,Mid kamid ah Labada Nin ayaa Goobta ku geeriyooday,waxaana midka kale oo dhaawac culus ahaa uu isne daqiiqado kadib ku naf waayey Xarun Caafimaad oo ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha.

Intaa kadib ayaa waxaa la sheegay in Laba Wiil oo ay dhaleen Ragga dhintay ay iyagune is Toorayeeyeen isla markaane ay labaduna dhaawacmeen,Mid kamid ah ayaa laga dayrinayaa Xaaladiisa Caafimaad waxaana loosoo qaaday Cisbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment