1077 Views

Galmudug oo mamnuucday in dhuxul laga shido degaanadeeda

Galmudug oo mamnuucday in dhuxul laga shido degaanadeeda
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 30 2020–Ciidamada Amniga Galmudug ayaa duleedka Koofureed ee magaalada Gaalkacyo gacanta ku dhigay gaadiid ay ku rarnaayeen dhuxul laga soo jaray degaanno ku yaalla gobolka Mudug.
Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa horay u mamnuucday in dhuxul laga shido degaanada maamulka Galmudug.
Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa wacad ku maray in tilaabo ay ka qaadi doonaan cidii mardambe lagu arko dhuxul, islamarkaana gaadiidka sidda ay la wareegi doonaan.
“Jaridda dhirta iyo gubisteeda si dhuxul looga helo waa ka mamnuuc deegaanada Galmudug, ciddii arrintaas lagu qabtana waxay mutaysanaysaa In sharciga la mariyo” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
In ka badan 450 loor ayaa saarneyd gaadiidkaas, waxaana horey isla ciidamadu u qabteen oo saldhigga Gaalkacyo yaalla baabuur ay ku rarnayd dhuxul si sharcidarro ah looga soo jaray dhul dhaca degmada Hobyo .

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment