1260 Views

Dowladaha Afrika oo ku guuldaraystay “in ay aamusiyaan qoryaha”!

Dowladaha Afrika oo ku guuldaraystay “in ay aamusiyaan qoryaha”!
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 18 2021–Hoggaamiyeyaasha Afrika waxa ay isku xilqaameen in ay soo afjaraan iskahorimaadyada hubeysan ee qaaradda ka socda ayna dhiirrigeliyaan nabad waarta iyo barwaaqo dhaqaale. Tani waxay la jaanqaadeysaa qorshaha Midowga Afrika ee qaaradda. Nasiib darrose, in ballanqaadkii 2013 ee hoggaamiyeyaashu “ku aamusiiyaan qoryaha” sannadka 2020 wuu guuldareystay.

Colaado dhiig badani ku daato ayaa wali ka sii holcaya qaybo badan oo ka mid ah Afrika. Tan waxaa ku jira harada Lake Chad Basin, gobolka Cabo Delgado ee Mozambique, Gacanka Guinea, Soomaaliya iyo gobolka Tigray ee Itoobiya. Khilaafka ayaa caqabad ku ah horumarka dhaqaale ee qaaradda.

Sida ku xusan warbixin 2017 uu soo saaray madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, oo markaa ahaa gudoomiyaha Midowga Afrika (AU), ku guuldareysiga in la joojiyo khilaafaadka waxay muujineysaa in dowladaha xubnaha ka ah aysan si dhab ah u qaadan go’aamada Midowga Afrika. Tani waxa ay ka dhigantahay kalsoonida darada qaarada.

Wax aad u yar ayaa isbadalay tan iyo markii uu Kagame uu soo saaray warbixinta. Jawaabtii aan ku filnayn ee dhibaatooyinka amniga ayaa sii socota. Sababtuna waxa ay tahay inta badan 55-ka dowladood ee xubnaha ka ah awood u malahan in ay gutaan waajibaadkooda. Sidoo kale waxaa jira rabitaan la’aan siyaasadeed oo lagu hirgaliyo barnaamijyadeeda nabada iyo amniga. Muhiimadda, taa beddelkeeda, waxa ay tahay in la ixtiraamo madax-bannaanida dowlad-goboleedyada.

Qaab dhismeedka nabadda iyo amniga Afrika.

Colaadaha ka socda gobolka waxa ay muujinayaan in qaab dhismeedka nabada iyo midowga Afrika uu ku guuldaraysanayo kahortaga ama maaraynta isku dhaca iyo dhisida nabada – inkasta oo xoogaa horumar ah la sameeyay. Guuldarrooyinku waxa ay hoos u dhigeen dhaqaalaha gobolka iyo kalsoonida lagu maalgasho karo.

Qaab dhismeedku wuxuu ka kooban yahay Golaha Nabadda iyo Amniga, oo ay taageerayaan Guddiga Midowga Afrika, Nidaamka Digniinta Hore ee Qaaradah, Ciidamada Heeganka Afrika iyo Sanduuqa Nabadda ee Afrika.

Sababta ugu weyn ee fashilka ku timid qaab dhismeedka nabadda iyo amniga ayaa ah cillad xagga ururada ah. Tani waxa ay keenaysaa “jawaab wax ku ool ah dhibaatooyinka amniga”.

Daraasaddayda socota ee ku aaddan qaabka cusub ee nabadda iyo amniga Afrika ayaa baareysa sida Shiinaha ay gacan uga geysan karto wax ka qabashada daciifnimadan.

Waxtarka Shiinaha ee nabadda iyo amniga Afrika

Shiinaha wuxuu durbaba gacan ka geysanayaa ujeeddooyinka nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika. Tan, iyada oo loo marayo kobcinta awoodda horumarka dhaqan-dhaqaale iyo waxbarashada is-beddelka bulshada. Waxaa kaloo gacan ka geysataa hawlgallada nabadeed ee Afrika.

Shiinaha wuxuu kobcin karaa awoodda faragelinta militariga ee AU, sidoo kale, iyadoo la adeegsanayo aqoonta milateri ee ballaaran ee Ciidanka Xoreynta Dadweynaha. Tani waxa ay si gaar ah u tahay marka loo eego habka horumarka aan dagaalka ahayn ee dhismaha nabadda ka dib dagaalkii sokeeye, oo ay ku jirto hirgelinta barnaamijyada yareynta saboolnimada.

Kaalmada militariga Shiinaha ee Afrika waxaa qaabeeya Qorshaha Waxqabadka Shiinaha iyo Afrika ee Beijing (2019-2021). Qorshahan waxaa ka mid ah in laga caawiyo militariga, booliska iyo ka hortagga falalka argagixisada.

Waxay kaloo bixisaa horumarinta Ciidamada Heeganka Afrika. Ciidamada ayaa qorshuhu yahay in ay awood u siinayaan Midowga Afrika in ay soo farageliyaan “xaaladaha adag” sida xasuuqa.

Wadashaqeynta militari ee udhaxeysa Shiinaha iyo Afrika waxa ay qaadataa qaab isdhaafsiga sirdoonka, tababarka saraakiisha militariga, iibinta hubka ganacsiga, iyo golayaasha nabada iyo amniga ee joogtada ah. Shiinaha sidoo kale waxay siisaa tababarro ku saabsan sharci fulinta.

Gargaarka milatari ee gaarka ah waxaa ka mid ah taageerada dalalka ku yaal gobolka Saaxil, Gacanka Cadmeed, Gacanka Guinea iyo Geeska Afrika.

Qaabka horumarinta Shiinaha

“Moodalka Shiinaha” ee horumarinta wuxuu noqon karaa naqshad loogu talagalay casriyeynta iyo isbeddelka dhaqaalaha Afrika. Moodelku wuxuu ka kooban yahay “isku socodka aduunka” si loo helo xalal dhinacyo badan leh si loo yareeyo kharashka ku baxaya safarada.

Istaraatiijiyadda cusub ee Shiinaha ee Afrika ayaa ah in la dhiso quwadiisa jilicsan. Ergooyinka nabadda, is-weydaarsiga dhaqanka, mashaariicda waxbarashada iyo maalgelinta kaabayaasha waxbarashada ee Afrika ayaa muhiim u ah istiraatiijiyaddan.

Istaraatiijiyaddani waxay u adeegtaa danaha Shiinaha. Caawinta abuurista jawi maalgashi oo sugan ayaa ka faa’iideysanaya dhaqaalaheeda. Tan, iyada oo la dhiirrigelinayo hufnaan, isla xisaabtan iyo sharci ku saleysan qaaradda Afrika.

Shiinaha ayaa si weyn u maal galiyay Afrika. Sanadkii 2020, in kasta oo suuq caalami ah oo adag, ganacsiga u dhexeeya Shiinaha iyo Afrika waxa uu ahaa ku dhowaad $ 180 bilyan. In kasta oo uu ka yar yahay US $ 208.7 bilyan ee 2019, Shiinaha wuxuu ahaa saaxiibka ganacsi ee ugu weyn Afrika 12-kii sano ee la soo dhaafay.

Marka la fiiriyo caqabadaha dhanka awooda ee midowga afrika ee soo afjarida ama ka hortaga khilaafaadka dilaaga ah, iskaashiga kala dhexeeya Shiinaha ayaa fursad siinaya dowladaha afrika si ay u ciribtiraan amni darada iyo xasilooni darada horumarkooda iyo barwaaqadooda.

Laakiin, waxay u baahan yihiin in ay ka taxaddaraan in iskaashigooda Shiinaha uusan u rogin xiriir kale oo ku tiirsanaan iyo dhiig-miirasho.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post