852 Views

Erdogan oo difaacay heshiiska badda ee Libya

Erdogan oo difaacay heshiiska badda ee Libya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December  03- 2019–Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ku gacan seeray dhalleeceymaha loo jeedinayo heshiis ay la galeen Libya oo Aknara u ogolaanaya inay hesho xuquuqda dhul-badeed baahsan, oo sidoo kale ay raadinayeen dalal ay ka mid tahay Greece.

 

Heshiiskan oo Turkiga uu 27-kii November magaalada Istanbul kula saxiixday ra’iisul wasaaraha dowladda la aqoonsan yahay ee Libya Fayed al-Sarraj ayaan weli laga helin faah-faahin buuxda.

 

 

 

Hase yeeshee wabixino warbaahineed qaarkood ayaa sheegaya inuu saddex meelood meel kordhinayo qalfoof-badeedka Tukrey, una ogolaanayo inay hesho dhul-badeed dhowaan la ogaaday inay ka buuxaan gaas iyo saliid oo dhaca bariga badda Mediterranean-ka.

 

Heshiiska ayaa dhul-badeedkan u diidaya dalalka Greece, Cyprus iyo Masar, oo sidoo kale raadinayey.

 

‘Tani waa xuquuq madax-banaani oo ay leeyihiin Libya iyo Turkey,” ayuu Erdogan u sheegay weriyayaasha isaga oo ku sugan garoonka diyaaradaha magaalada Ankara, ka hor inta aanu u bixin shirka NATO ee London.

 

Greece ayaa ku hanjabtay inay cayrin doonto safiirka Libya, haddii aan loo soo gudbin faah-faahinta heshiiska.

 

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegay in Akara ay QM u gudbin doonto aageeda cusub ee dhaqaalaha (EEZ) marka heshiiska uu ansixiyo baarlamanka Turkey.

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment