3540 Views

Gudoomiye Jawaari oo ka hadlay eedeyntii Taliyayaasha Ciidanka

Gudoomiye Jawaari oo ka hadlay eedeyntii Taliyayaasha Ciidanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 4, 2018 – Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dhacdadii maanta ka dhacday xarunta golaha shacabka, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha loo jeediyay

Ugu horeyn Jawaari ayaa u mahad celiyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee xaadiray kulankii aan qabsoomin ee ka dhacay xarunta golaha shacabka.

Wuxuu beeniyay in ciidamo isaga taabacsan ay la wareegeen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in ciidamo badan ay xaqiijinayeen amaanka baarlamaanka.

Guddoomiyaha wuxuu sheegay in isaga uu watay kaliya 10 askari oo dhar cad ahaa, kuwaasi oo aan awoodin inay xarunta dhan la wareegaan, sida uu sheegayna wuxuu yiri “Jawaari oo la wareegay golaha shacabka waxay ka dhigan tahay madaxweynaha oo la wareegay madaxtooyadda”.

Jawaari, wuxuu hadalkiisa ku sheegay in saaka loo diiday in gaadiidkiisa uu ku tago xarunta golaha shacabka, islamarkaana uu tagay isaga oo lugeynaya, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaasha ciidamada xooga dalka ayuu ugu baaqay inaysan ku dhex milmin siyaasadda taagan, isagoo sheegay in looga baahan yahay inay dhex dhexaad ka noqdaan xiisadda taagan.

Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka in uu saakay la wareegay Guud ahaan xarunta, islamarkaana ay qabsadeen ciidamo taageersan.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment