621 Views

Madaxweyne Macron oo ku baaqay in la bilaabo wadahadllo lagu soo afjaryo colaadda Tigray

Madaxweyne  Macron oo  ku baaqay in la bilaabo wadahadllo lagu soo afjaryo colaadda  Tigray
____________________________________________________________________________

.

Axad: 1  2021

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay in la bilaabo wadahadllo lagu soo afjaryo colaadda gobalka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya,sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Elysee Palace.

Warkaan ayaa soo baxay kadib markii Macron uu qadka Telefoonka kula hadlay subixii hore ee Sabtidii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo dhigiisa dalka Suudaan Cabdullah Xamdook.

Dhanka kale, boqolaal qaxooti Eratariyaan ah oo ku sugan Itoobiya ayaa abaabulay isu soo bax ka dhacay caasimadda, Addis Ababa, si ay uga mudaaharaadaan “gabood-fallo” loo gaysanayo qaxooti kale oo Eratariyaan ah oo ku sugan gobolka Tigray, dhibaatadaas oo ay gaysanayaan dad daacad u ah Jabhadda TPLF sida ay sheegtay wakaallada wararka ee dalka Itoobiya.

Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay halku dhigyo ay ka mid yihiin: “Waa in la joojiyaa weerarada lagu hayo qaxootiga Eritariya,” “Beesha Caalamka waa inay dhageysataa codkeena”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post