1944 Views

Libaax uu lahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Waran-cadde oo dad ku Cunay Hargaysa

Libaax uu lahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Waran-cadde oo dad ku Cunay Hargaysa
____________________________________________________________________________

April 29-2021


Wararka ka imaanaya magaalada hargaysa ayaa sheegaya in Ciidamada booliska Somaliland ay goordhoweyd soo saareen  digniin la xiriirta Libaax ka baxsaday Beer lagu xanaaneyn jiray, kaasi oo dhaawac ka geystay gudaha magaalada Hargeysa.

Ciidamadan  ayaa bulshada Somaliland, gaar ahaan dadweynaha ku nool caasimada Hargeysa uga digay inay ka feejignaadan halista Libaaxaas, islamarkaana ay soo wargeliyaan laamaha amaanka si dib loogu celiyo Beerta Xayawaanka ee Waran Cade, oo uu markii hore kasoo fakaday.

Qoraal ay soo saaree Ciidamada ayaa sidaan u qornaa

“Wargelin: Ciidanka Booliska Somaliland waxay ku wargalinayaan Bulshada somaliland gaar ahaan Caasimada in uu baxsaday mid ka mid ah Libaaxyadii ku Xaraysnaa Beerta Xayawaanka Ee Waran Cade. Hadaba waxaanu bulshada uga digaynaa in ay ka feejignadaan Libaxaasi Baxsadka ah isla markaana cidii aragtaa ay la soo socdsiiso Ciidamada Booliska,” ayaa lagu yiri qoraalka.

.

Ciidamada booliska Somaliland ayaa weli baadi-goob balaaran ugu jira sidii Libaaxaas gacanta loogu soo dhigi lahaa, ayada oo cabsi hor leh soo food saartay shacabka magaalada Hargeysa.

Libaaxa baxsadka ah ayaa waxa uu kamid ahaa Libaaxyo ku xareysnaa Beerta Xayawaanka ee Waran Cade, oo uu leeyahay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde.

Offiice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post