2766 Views

Janeraal Morgan iyo saraakiil kale oo ku wajahan deegaanka Tukaraq

Janeraal Morgan iyo saraakiil kale oo ku wajahan deegaanka Tukaraq
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 18, 2018 – Deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa kusii qul qulaya saraakiil ciidan oo ka socda puntland halkaas oo mudo laba maalin ah ay ku wada dagaalamayeen ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa halkaasi gaaray saraakiil ciidan oo ka kala yimid magaalooyinka Garoowe Nairobi iyo muqdisho,iyaga oo la kulmay saraakiisha dagaalka hoggaamineysa.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan  in deegaanka tukaraq uu gaari doonaan saraakiil uu ka mid yahay Janeraal Maxamed Siciid Xeris (Morgan) oo ah musharax madaxweynaha Puntland kaas oo dalka dibadiisa ku maqan.

Janeraalka ayaa waxaa markii uu tago  tukaraq uu lakulmi doonaa taliyaha Ciidamada puntland janeraal Siciid dheere oo ku sugan jiida hore ee dagaalka oo ay isku-hor fadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment