519 Views

Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Itoobiya oo duqeymo culus ka geystay deegaano ka tirsan Bakool oo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen

Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Itoobiya oo  duqeymo culus ka geystay deegaano ka tirsan Bakool oo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen
____________________________________________________________________________

Axad: JULY 31, 2022

Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Itoobiya ayaa shalay duqeymo culus ka geystay deegaano ka tirsan Bakool oo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen, halkaasi oo dagaalo ay ka socdeen maalmihii dhowaa.

Duqeymahaan ayaa ka dhacay degaan lagu magacaabo Garasweyne oo 50 KM galbeed ka xiga magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Duqeyntaan waxay ku soo aadeysaa ayadoo Jimcihii ciidamada Liyuu Boolis lagu laayey degaanka Aato, kadib weerar culus oo Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaankaas.

Bayaan ay kooxdu ka soo saartay weerarkii ay Jimcihii shalay ku qaaday Aato, waxay ku sheegatay inay Liyuu Boolis ka dileen in ka badan 150 askari, iyagoo soo bandhigay sawirrada meydad aad u badan.

Ilaa hadda ma jirto cid xaqiijisay inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay duqeymahaas, waxaana aad u liidatay isgaarsiinta deegaanada dhaca xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post