4080 Views

Jawaari oo magacaabay guddiga anshaxa doorashada

Jawaari oo magacaabay guddiga anshaxa doorashada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 30, 2017 – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa goor-dhow maanta magacaabay Guddi ka shaqeeya Anshaxa iyo Asluubta Doorashooyinka heer Madaxweyne.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in Guddiga la magacaabay ay ka shaqeyn doonaan ilaalinta Anshaxa Doorashada iyo Musharaxiinta.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Guddigaasi wax laga weydiin doono wax waliba oo ka baxsan Anshaxa Doorashada, waxa uuna sheegay in qudhooda ay ka shaqeyn doonaan wixii u dana dalka.

Jawaari ayaa Guddiyada Doorashooyinka iyo Musharaxiinta ugu baaqay inay la shaqeeyan Guddiga Anshaxa ee la magacaabay.

Magacaabida Guddiga ayaa kusoo beegmeysa xili maalinimadii shalay lasoo afmeeray diiwaangalinta Musharaxiinta oo dhan 24 Musharax.

guddiga-anshaxa

.

.

Xafiiska Qaranimo Online ee Muqdisho

____________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment