705 Views

Dowladda Soomaaliya oo beenisay warar maalmahaan la hadal haayay

Dowladda Soomaaliya oo beenisay warar maalmahaan la hadal haayay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 09, 2021—Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafiyay aadna loo hadal haayay in dowladda Soomaaliya ay heshiis ku saabsan qodista shidaalka la saxiixaneyso shirkado ajnabi ah, hayeeshee waxaa Warkaasi beeniyay dowladda Soomaaliya.

Shirkadaha aadka loo hadal haayay oo mas’uuliyiin ka tirsan ay Muqdisho yimaadeen ayaa waxaa kamid ahaa shirkadaha Liberty Petroleum iyo Coastline Exploration oo horay loo oran jiray SOMA OIl & GAS.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in aysan jirin xilligaan shirkado heshiis shidaal qodis lala saxiixday sidoo kalena lala saxiixanayo.

Wasiirka oo shir jaraa’id Warbaahinta u qabtay ayaa qiray inay Muqdisho yimaadeen mas’uuliyiin ka tirsan shirkadaha qaabilsan qodista shidaalka, balse uu sheegay in heshiis kasta oo dhacaya la marsiinayo wado sharci ah.

Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan saxiixi doonin heshiis aan la isku raacsaneyn, kaas oo mar dambe ay ka imaan karaan dhibaatooyin kala duwan.

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa dhawaan shaaciyay inay xog ku heleen in dowladda Soomaaliya ay heshiis Shidaal qodis ah la galeyso shirkadaha Liberty Petroleum iyo Coastline, taas oo culeys uu ku noqonayo howlaha deynta Cafinta Soomaaliya ee socda.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post