627 Views

Kenya oo adkeesay ammaanka deegaanno xuduuda Soomaaliya u dhaw.

Kenya oo adkeesay ammaanka deegaanno xuduuda Soomaaliya u dhaw.
____________________________________________________________________________

Isniin: March 7, 2022

Dowladda Kenya ayaa si aad ah u adkeesay Ammaanka degaannada xuduuda Soomaaliya u dhaw, iyadoo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Kenya (KCPE) uu ka furmayo magaalada Mandera.

Iskuullada ku yaalla xuduudka Soomaaliya ayaa loo qoondeeyay ciidamo badan oo Boolis iyo kuwa Militery ah waxaana si weyn loo sugayaa ammaanka, si looga hortago faragelin kasta oo kaga timaada kooxaha dambiilayaasha ah ee Al-Shabaab.

Agaasimaha waxbarashada ee ismaamulka Mandera Cabdi Sheekh ayaa sheegay in imtixaanka diyaarsan lagu geeyn doonl diyaarado dhamaan xarumaha iskuulada Mandera oo ay ka jiraan caqabadaha dhanka amaanka ah iyo qaarkood oo kuyaala meelo aad u fog.

Mudane Cabdi Sheekh ayaa sheegay in dowladdu ay diyaarisay dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah habsami u socodka imtixaannada.

Ismaamulka Mandera waxa uu leeyahay guud ahaan 144 xarumood oo ilaa 6 337 ardey lagu wado in ay kugalaan imtixaanadooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post