1767 Views

Taliyaha Booliska & Michael Keating oo lagu soo dhaweeyey Gaalkacyo

Taliyaha Booliska & Michael Keating oo lagu soo dhaweeyey Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Gaalkacyo | QOL | July 22, 2018 –  Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa gaarey Wafdi uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka booliska  Soomaaliyeed  Bashiir Cabdi Maxamed(Ameeriko) iyo masuuliyiin kale.

Wafdiga ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating iyo Xubno kale,waxana gaalkacyo kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Wafdiga taliyaha Boolisk  iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxa ay booqan doonaan Xerada ay ku sugan yihiin Ciidamada isku dhafka ee loogu talo galay sugida amniga Gaalkacyo iyo Xarumo kale.

Sidoo kale waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Maamulka Magalada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland,qeybaha kala duwan ee Bulshada Magalada Gaalkacyo.

taliye-boliis-keaton-4 taliye-boliis-keaton-3 taliye-boliis-keaton-2 taliye-boliis-keaton-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment