1653 Views

Wax ka ogow shan diyaarad militari oo ah kuwa ugu halista badan adduunka iyo wadamada haysta

Wax ka ogow shan diyaarad militari oo ah kuwa ugu halista badan adduunka iyo wadamada haysta
____________________________________________________________________________

Talaado: October 19, 2021

 Inta badan militariga adduunka waxay gaareen horumar lagu sameyanayay diyaaradaha dagaalka ee khumaatiga u kaca, tan iyo 1940-meeyadii, inkasta oo sanadihii 1960-maadkii la bilaabay in horumar weyn laga gaaro sameynta diyaraadaha noocan ah, ka dib dabayaaqadii xilliggii uu dhacay dagaalkii qaboobaa.

Waxaa adag in la sameeyo diyaaradahan militariga, waana qaali marka ay timaaddo hagaajintooda, waana sababta ugu wacan in militariga ugu awoodda badan adduunka uu heysto diyaarado yar oo noocan ah, gaar ahaan kuwa dagaalka.

Diyaaradaha dagaalka ee wax weerara, ayaa la arkay markii ugu horreysay xilliggii howlgalkii midowgii Soofiyeet uu ka fuliyay Afghanistan. Sidoo kale diyaradahan dagaalka waxaa isku adeegsaday dhinacyadii isku hayay dagaalkii Ciraaq iyo Iran.

Diyaaradaha waa kuwa muhiim ah oo saameyn weyn ku leh dagaallada, waxaan halkan idiin kuugu soo gudbineynaa shanta diyaaradood ee militari ee ugu halista badan, uguna awoodda badan adduunka, sida laga soo xigtay jariiradda The Military Watch Magazine.

Ka-52 Alligator

Waxay ka mid tahay diyaaradda militari ee ugu awoodda badan adduunka ee abid la sameeyay, tan iyo dagaalkii qaboobaa, sameynta diyaaradda Ka-52 waxay bilaabatay sannadkii 2008.

Ciidamada Ruushka ayaa heysto ku dhawaad 155 ka mid ah diyaaraddan.

Waana diyaarad qaali ah marka la barbardhigo diyaaradaha kale ee ay heystaan militariga Ruushka. Shirkadaha soo saara diyaaraddan waxay xakameeyaan iibgeyntooda.

Dalka Masar ayaa heysto nooc ka mid ah diyaaraddan oo lagu magacaabo Ka-46.

Waxay diyaaraddan awood u leedahay in ay xambaarto hubka Kh-31 oo gaari karo masaafo ka badan 1300km.

Mi-28NM Havoc

Diyaaradda Mi-28 waxay ka mid tahay kuwa uu soo saaro Ruushka ee qaaliga ah. Diyaaraddan waxay shaqeyneysay tan iyo sannadkii 2009.

Dalalka laga iibiyay waxaa ka mid ah Algeria iyo Ciraaq.

Diyaaraddan waxay u muuqataa mid ka wanaagsan diyaaradda Apache ee uu leeyahay Mareykanka, taas oo tayo ahaan u dhaw diyaaraddan Mi-28.

Mi-28NM, nooc ka mid ah diyaaraddan ayaa sannadkii 2017, howlgal ka fulisay dalka Suuriya, waana diyaarad tayadeeda loo bogay.

Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa saxiixday heshiis ku saabsan in tirada diyaaraddan la gaarsiiyo 98 marka la gaaro sannadka 2027.

AH-64E Apache

Ka dib markii uu Mareykanka sameystay diyaaraddan AH-64, sannadkii 1975, waxay soo martay marxalado kala duwan, intii aysan howlgelin, 11 sano ka dib.

Diyaaraddan waxaa markii hore loo sameeyay in ay ka hortagto taangiyada dagaalka ee cadowga.

Waxaana la sheegay in diyaaraddan ay qaaddo hubka awoodda badan, ayna ka awood badan tahay diyaaradda dagaal ee nooca loo yaqaano AH-1 Cobra.

Mi-24P / Mi-35 Hind

Diyaaradda waxay si rasmi ah u howlgashay sannadkii 1972.

Mi-24P / Mi-35 Hind waxaa lagu tilmaamaa diyaarad aad looga cabsanayay, tan iyo dagaalkii qaboobaa ee adduunka, waxaana la xaqiijiyay in howlgallo badan ay ka qeyb qaadan karto.

Inkasta oo la sameeyay ka dib dagaalkii qaboobaa, waxay awood ahaan ka hooseysaa diyaaradda Apache, balse waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah diyaaradaha militari ee ugu waanaagsan adduunka, iyadoo la ogaaday in duqeymo culus ay fulin karto, gaar ahaan duqeyntii ay diyaaraddan Mi-24P ku qaaday mucaaradka Suuriya, waana diyaarad aad looga jecel yahay adduunka.

Z-10M

Diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha waa kuwa aan tayo badan lahayn, marka la barbardhigo kuwa Ruushka iyo Mareykanka.

Diyaaradda Z-10M ma lahan naqashado casri ah, marka la dhinac-dhigo kuwa Ruushka oo sanadihii ugu dambeeyay casriyeyn xooggan lagu sameeyay.

Waxyaabaha ay diyaaraddan dheer tahay diyaaradaha kale ee dagaalka waxaa ka mid ah in si fudud lagu hagaajin karo mar haddii ay cilad la soo deristo.

Marka ay howlgaleyso waxaa ku baxayo qararsh yar, waana diyaarad la heli karo maadamada tirada la sameeyay ay aad u badan yihiin.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post