567 Views

Shir lagu go’aamiyey diiwaanta hubka Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey

Shir lagu go’aamiyey diiwaanta hubka Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey
____________________________________________________________________________


Axad: March 20, 2022

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shir socday labo maalmood oo looga hadlayey maamulka iyo xakamaynta hubka iyo rasaasta, shirkaas oo uu soo agaasimay Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, u na dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Saaxiibbada Soomaaliya ka taageera dhanka amniga.

<span;>Shirka ayaa waxaa maanta ka qayb galay Wasiirka Caddaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji, Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Taliya Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage, Hay’adaha Qaabbilsan Amniga Dalka, Masuuliyiin ka socday Madaxtooyada Qaranka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wakiillo ka socday Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyo Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Turkiga iyo Sii Hayaha Safaaradda Ingiriiska.

Shirka ayaa labadii maalmood ee uu socday waxaa diiradda lagu saaray dardar gelinta qorshaha Qaran ee Maamulka Hubka iyo Rasaasta, tirakoobka,  diiwaan gelinta, calaamadinta iyo xakamaynta hubta yaalla dalka, iyo qorsheyaasha hortebinta iyo mudnaanta u leh Soomaaliya labada sano ee soo socota.

Shirka ayaa waxaa ka soo baxay qodobbo wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin dardar gelinta iyo ballaarinta dadaallada socda ee lagu calaamadinayo laguna diiwaan gelinayo kaydka hubka ee ku jira gacmaha hay’adaha amniga dalka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, qiimaynta awoodda kaydinta hubka ee hadda jirta si loo qeexo baahiyaha dhiman, samaynta istaraatiijiyad qaran iyo shuruuc lagu xakamaynayo hubka sharci darrada ah, kiimikooyinka iyo walxaha Qarxa, si loo dhimo khatarta ka imaanaysa Ururrada Argagagixisada ah, iyo dejinta jaangooyooyin cadcad oo lagu xaqiijinayo qaadista cunaqabaynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Dhammaan Mas’uuliyiinta kalmadaha ka jeediyey Shirka ayaa soo bandhigay  sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay Xakamaynta Hubka iyo Raasaasta, iyada oo  dadaal badan lagu bixiyey arrintaas, sidoo kale waxa ay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in laga qaado cunaqabaynta hubka, si loo xaqiijiyo himilooyinka qaran ee ay ugu horreeyaan xasilinta dalka iyo ka guulaysiga ururrada argagixisada ah.

Ugu Dambayn, Mas’uuliyiintii iyo wakiilladii metelayey heerarka kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay qorsheyaasha mudnaanta iyo hor tebinta u leh Soomaaliya labada sano ee soo socota, iyada oo dhanka kale ay Danjireyaasha Saaxiibbada Caalamka ee ka soo qayb galay Shirka si weyn u soo dhoweeyeen Qorsheyaasha iyo Soodeejinta Soomaalida.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post