2004 Views

Haweeneey ku eedeysnayd Shabaab Oo Isku dhiibtay Boliiska Kenya

Haweeneey ku eedeysnayd Shabaab Oo Isku dhiibtay Boliiska Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 21, 2018Mumina Eroba oo ay Boliiska dalka Kenya madaxeeda dul dhigeen Hal Milyan oo Shilin Bil ka hor ayaa maqribnimadii Talaadada isku dhiibtay laamaha ammaanka ee dalkaasi.

Haweeneydan ayaa lagu tuhmayay inay ka tirsan tahay Al-Shabaab, waxaana lagu eedeeyay inay wax ka qorsheysay weerarkii Bishii February ee sanadkan ka dhacay Tuulada Qarsa oo ka tirsan Wajeer, halkaas oo ay ku dhinteen Saddex Qof oo Laba ka mid ahi ay ahaayeen Macallimiin.

Isku duwaha Gobolka waqooyi-bari Dalka Kenya, Maxamuud Saalax ayaa Jariiradda The Star u sheegay in isa soo dhiibista Haweeneydani ay guul weyn u tahay dagaalka lagula jiro Shabaab.

Mss. Eroba, ayaa ah Hooyada Cabdiwahab Cusmaan Axmed, oo isna lala xiriirinayo weerar ay ku dhinteen Siddeed Askari oo ka dhacay Wajeer, waxaanay sidoo kale hay’adaha amnigu weli raadinayaan Axmed Debar, oo ka mid ah eedeysanayaasha.

Dowladda Kenya ayaa wadda qorshe lagu wacyi gelinayo Bulshada qaybaheeda kala duwan oo ku aaddan sidii looga feejignaan lahaa xubnaha dadka ka dhaadhiciya fekerka Argagixisanimada ee ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo ay Dowladda Kenyana ku guuleysatay inay dib ugu soo laabtaan dhallinyaro badan aragtiyadii hore.

 

1 2

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment