735 Views

Midowga Afrika oo cambaareeyay afgembigii ka dhacay Guinea

Midowga Afrika oo cambaareeyay afgembigii ka dhacay Guinea
____________________________________________________________________________

Muqdisho | September 06, 2021:-Midowga Afrika ayaa cambaareeyay afgembigii milateri ee ka dhacay dalka Guinea, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo Madaxweyne Alpha Conde.

Bayaan ay si wada jir ah usoo saaareen madaxweynaha Midowga Afrika, Felix Tshisekedi, iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki ayaa looga horyimid tillaabada ay qaadeen ciidanka dalka Guinea.

Bayaan ayaa ugu baaqay golaha  nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika in ay yeeshaan kulan degdeg ah oo looga hadlayo xaaladda cusub ee Guinea, si looga qaaato go’aan ku habboon.

Ciidamada dalka Guinea ayaa shalay ku dhawaaqay inay xireen madaxweynihii dalkaas, iyagoo sidoo kalena  joojiyay shaqadii xukuumaada iyo dastuurkii dalka.

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post