219 Views

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo Warmurtiyeedka shirka madasha wadatashiga raba in lagu taageero Qof iyo Cod Puntland ka dhacdo .

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo  Warmurtiyeedka shirka madasha wadatashiga raba in lagu taageero Qof iyo Cod Puntland ka dhacdo .
____________________________________________________________________________

 Arbaco: December 28  2022 

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku dadaalaya in Warmurtiyeedka shirka madasha wadatashiga oo caawa lafilayo in uu soo dhamaado, lagu soo daro in Madashu wadajir u soo dhaweyso damaca Siciid Deni ee kuwajahan doorashooyinka Puntland, taas oo lagu kala aragti duwan yahay.

Qaar kamid ah ururada siyaasadda ee Puntland ayaa ka hor yimi qorshaha Deni ee doorashooyinka, kaas oo ay ku sifeeyeen in uu yahay mid uu ku meelmarinayo damaciisa kursiga madaxtinimada Puntland.

Siciid Deni ayaa maanta ole-ole xoogan u galay sidii ugu hirgali lahaa qodobkan in lagu soo daro warmurtiyeedka, laakiin dhinaca Villa Soomaaliya ayaan wali aqbalin, iyadoo ay warar hoose cadeynayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh ka caga-jiidayo.

Xildhibaano katirsan labada golle oo kasoo jeeda Puntland ayaa la kulmay Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha faderaalka, oo ay ugu goodiyeen in haddii talaabada Deni la aqbalo ay ka dhalan doonan ficilo aan sahal noqon doonin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post