630 Views

Madaxweynihii hore ee Bolivia Jeanine Áñez oo lagu xukumay 10 sano oo xarig ah kadib markii dacwad oogayaasha ay sheegeen in ay sameysay isku day afgambi

Madaxweynihii hore ee Bolivia Jeanine Áñez oo  lagu xukumay 10 sano oo xarig ah kadib markii dacwad oogayaasha ay sheegeen in ay sameysay isku day afgambi
____________________________________________________________________________

Sabti: June 11, 2022

Madaxweynihii hore ee Bolivia Jeanine Áñez ayaa lagu xukumay 10 sano oo xarig ah kadib markii dacwad oogayaasha ay sheegeen in ay sameysay isku day afgambi oo ay xilka kaga tuureen Madaxweynihii ka horeeyay Evo Morales.

Maxkamad ayaa ku heshay Áñez, oo xafiiska joogtay 2019-20, inay sameysay “go’aamo ka soo horjeeda dastuurka”.

Áñez waxay si isdaba joog ah u sheegtay inay dhibane u tahay fal-dembiyeed siyaasadeed.

Áñez, oo 54 jir ah, ayay maxkamad ku taal La Paz xukunka ku riday Jimcihii.

Maxkamadda ayaa sheegtay in ay Áñez ay muddadeeda ku dhameysan doonto xabsiga haweenka ee magaalada La Paz.

Jeanine Áñez oo ah madaxweynihii hore ayaa cambaareysay xukunka iyo waxa ay ku tilmaantay cadaadis siyaasadeed oo uu ku hayo xisbiga Mas Socialist ee uu maamulo Mr Morales.

Kadib xukunkii jimcaha, qareenka Áñez ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadan doonto xukunkan cadaaladna ay u raadsan doonaan ururada caalamiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post