432 Views

Dad dhintay xilli weerar lagu qaaday kolonyada baabuurta Qaramada Midoobey oo marayay DR Congo

Dad dhintay xilli weerar lagu qaaday kolonyada baabuurta Qaramada Midoobey oo marayay DR Congo
____________________________________________________________________________

laa saddex oo kamid ahaa dad dibadbaxyo ka dhigayay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa ku dhintay xilli weerar lagu qaaday kolonyo baabuur ah oo ay Qaramada Midoobey laheyd.

Howlgalka Qaramada Midoobey ee (Monusco) ayaa sheegay inay ka xun yihiin dadka dhintay xilli weerarka uu ka dhacay deegaanka Munigi ee gobolka North Kivu.

Howlgalka wuxuu intaa ku daray in dibadbaxyaasha ay ku khasbeen la joojiyo kolonyada, waxayna dab qabadsiiyeen afar kamid ah baabuurta xamuulka ah.

Dadkan ayaa dhintay xilli ciidamada nabad ilaalinta iyo ciidamada Congo ay isku dayayeen inay difaacaan kolonyada, ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Qaramada Midoobey.

Kooxaha fallaagada ayaa dhawaan qabsaday dhul ballaaran oo ka tirsan gobolkan, arrintaas oo dhalisay caro dadweyne oo ka dhanka ah Qaramada Midoobey iyo ciidamada ka socda dalalka Bariga Afrika.

Dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay halkaas waxaa ku dhintay boqolaal qof halka kumanaan ay ka qaxeen guryahooda

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post