264 Views

Madaxweynaha Gelle oo goordhow kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyoi Madaxweyne Xasan oo soo dhaweeyay

Madaxweynaha Gelle oo  goordhow kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyoi  Madaxweyne  Xasan oo soo dhaweeyay
____________________________________________________________________________

 Arbaco: December 28  2022 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Gelle ayaa goordhow kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas oo ay ku soo dhoweeyay dhiggiisa Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka ayaa sidoo kale qayb ka ahaan soo dhoweynta ballaaran ee loo sameeyay wafdiga madaxweyne Geelle.

Intaas kadib madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo loo diyaariyay soo dhoweynetiisa.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxaa loo galbiyay qasriga madaxtooyada, halkaas oo ay wadahadallo ku yeelan doonaan, isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale xarigga ka jari doono dhismaha xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA.

Xaruntaas oo loo aas-aasay inay kaalin weyn ka qaadato soo nooleynta Af-Soomaaliga waxaa dhistay dowladda Jabuuti, waxayna ku taallaa degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa imaanaya wafuud kale oo ka kala imaaneysa wadamada Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo maanta Muqdisho ku soo jawahan, sida aan xogta ku helnay.

Ammaanka ayaa dhanka kale aad loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyinka, sidoo kale waxaa la hakiyay duulimaadyadii manta imaan lahaa magaalada Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post