1437 Views

MUQDISHO: Waa siddee RAJADA dib u doorashada MD Farmaajo.? [GUUXA DADWAYNAHA]

MUQDISHO: Waa siddee RAJADA dib u doorashada MD Farmaajo.? [GUUXA DADWAYNAHA]
____________________________________________________________________________

Jimce, 11 Juun [Qaranimo Online] Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Muqdisho ayaa la weydiiyay su’aalo ku saabsan rajada uu ka qabo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo] in mar kale dib loogu doorto xilka madaxtinimada Soomaaliya.


Shabakada Qaranimo Online xafiiskeeda Muqdisho ayaa su’aalahan iyo kuwa kale oo fara badan hor dhigtay ashqaas kala duwan oo waxgarad ah, waxaanna sidoo kale waxgaradkaasi la weydiiyay musharixiinta ugu cadcad ee u tartamaya xilkaasi halka rajadoodu ay caga-dhigi karto.

Caaqil ka mid ah odayaasha Muqdisho, diidayna in magaciisa la xuso isaga oo ammaankiisa u cabsanaya ayaa aragtidan soo bandhigay:-

“Ragga musharaxiinta ah ee xilalka soo qabtay sida Shiikh Shariif, Xassan Shiikh, C/raxmaan Cabdishakuur, Xassan Cali Khayre & ragga kale marka aan barbar dhigo Farmaajo haddii qabyaalad & qiira-jabaan meel la iska dhigo anigu waxaan qabaa, kulana talinayaa Soomaali & cid kasta ee cod leh in ay doortaan Farmaajo, 2 sabab dartood: Tan 1-aad. Farmaajo inta uu qabtay cid qabatay ma jirto, wuxuu dhisay haykal ciidan, wuxuu ku guuleystay in Soomaaliya ay soo ceshato sharafteedii dowladnimo isaga oo meel ku soo xiray dalalkii faragelinta ku hayay Soomaaliya, wuxuu soo nooleeyey kaabayaal dhaqaale. Tan kale ee ugu muhiimsan waxay tahay wuxuu ku guuleystay in saddex maamul goboleed kasbado, labadii kale ee Soomaali cunaha ku dhaganeyd-na geed ku soo xero, wuxuu hadda qarka u saarnaa in labadooda ba uu ka taqaluso, waxaan aaminsanahay haddii 4 sanno kale loogu daro inuu Soomaali middeyn lahaa xittaa Somaliland inuu soo xera-gelin lahaa. Haddii xilkaasi ragga musharixiinta ah midkood ku guuleystaan waxaan hubaa in qolyaha ugu horreeya ee qaawin doona in ay noqonayaan Puntland & Jubbaland taas iga qor, haddase waa xaraarug hadduu Farmaajo soo laabto waa ku daayeen. Sidaas oo ay tahay na Farmaajo 2 cilad ayaan u hayaa oo dowladnimada Soomaaliya caay & ceeb ku ah, kuwaas oo kala ah:- Wuxuu dadka ka xushaa nin ba ninka uu ka liito, isaga oo ay ujeedadiisu tahay in qofka uu xilka u dhiibayo noqdo qof isagu uu leeyahay. Tusaale: isaga oo heli kara boqolaal kun oo Mudulood ah, kana aqoon & waaya-aragnimo badan Cumar Filish, ayaa wuxuu u doortay Cumar Filish si uu ugu isticmaalo Mudulood-ka kale, u fiirso dadka uu Mudulood ka doortay Cumar Filish, Salaad Cali Jeelle, Xassan Xundubeey, Muxudiin Afrax. Dad badan oo uu xilal muhiim ah u dhiibay wuxuu ku xushay liidasho iyo in ay sax & qalad ba madaxa u ruxayaan waana wax ku ceeb ah dowladnimada. Cilada 2-aad ee aan Farmaajo u hayo waxay tahay wuxuu col-lastay, lana dagaalay cid kasta ee ka fikir duwan. In aad magacii dowladnimada aad dadka ugu dhibaateyso wuu iga aragti duwan yahay aakhirka waxay kuu horseedeysaa inaad meel xun ku baxdo adigana”

Aragti taas ka duwan waxaa qaba Ilyaas Xuseen Xaashi oo ka mid ah odayaasha degmada Waaberi, waxaanna uu Ilyaas uu tilmaamay haddii Farmaajo xukunka ku soo laabto in dadka uu ka dhigi doono wax u sacbiya & wax uu duleysto, wuxuuna Soomaali ugu baaqay in ay iska diidaan hab-dhaqanka keli-talisnimada ee Farmaajo.

“Arag, inta jowrfal ee uu sameeyey 4-tii sanno ee uu xilka hayay, dadkii uu weeraray, kuwii uu dilay & isaga oo dowladnimadii u isticmaalay cid kasta ee iga fikir duwana waa dilayaa, qofka sidaas ah marka uu xukunka ku soo xiddideysto siddeey xaaladiisu noqon kartaa.? Ayuu is-weydiiyey Ilyaas, isaga oo intaasina sii raaciyay:


“Aniga ilaa hadda waxaan liqi la’ahay waxa Xassan Cali Khayre aamusiyay.? Khayre, waa ninka keliya ee ka taqalusi kara Farmaajo muxuu la aamusan yahay.? Wuxuu ogyahay wax walba oo uu Farmaajo qaribay, marka aan aamusnaantiisa arko waxaa ii soo baxaysa tuhunkii laga qabay Khayre ee ahaa in isaga & Farmaajo is ogyihiin, uuna Farmaajo u shaqeynayo ama la isku afgartay haddaad na qarxiso annaga na siro badan baan ka haynaa oo aan bannaanka soo dhigaynaa. Khayre nin karmeed waa yahay laakiin wuxuu u egyahay nin wax doonaya, haddana aan ku dhicis lahayn oo gadaal ka cabsanaya”

LA SOCO QEYBO KALE OO XIISO LEH.

ARAGTIDAADA KU SOO HAGAAJI E-MAIL: Shirwaccabduqaadirshirwac@gmail.com

AFEEF: Qoraalkani ma aha mid ka tarjumeysa hadafka shabakada, wuxuu mid ku kooban qoraha

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post