984 Views

K/Galbeed oo ka hadashay mowqifkeeda la xiriira doorashooyinka & dhaarinta Xildhibaannada

K/Galbeed oo ka hadashay mowqifkeeda la xiriira doorashooyinka & dhaarinta Xildhibaannada
____________________________________________________________________________

Sabti: April 2, 2022

War-saxaafadeed kasoo baxay DG Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa looga hadlay Mawqifkeeda ku aadan Doorashooyinka iyo Dhaarinta Xildhibaannada

Koofur Galbeed ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay habdhaqanka Guddiga FEIT, iyadoo xustay in musuqa baahsan uu ka dhex socda iyo kala qeybsanaan ku timid xubnaha Guddiga FEIT.

Waxey sheegtay in tallaabada uu qaaday Muuse Geelle Yuusuf ee uu ku bartilmaameedsaday kuraas deegaanno gaar ah laga soo doortay inay tahay mid sharci darro ah oo khilaafsan heshiisyadii iyo habraacyadii doorashooyinka.

Sidoo kale, qoraalka kasoo baxay DG Koofur Galbeed ayaa lagu yiri “Maadaama Guddiga uu lumiyay waajibaadkii loo igmaday iyo madaxbannaanidii laga sugayay, hoggaanka SEIT oo kaashanaya xubnaha Guddiga Hirgelinta Heer Federaal ee ka hawl galayay Koonfur Gakbeed waxay si toos ah ugu wareejinayaan faylasha xildhibaannada Xoghayeyaasha Labada Aqal ee Barlamaanka JFS.”

Ugu dambeyn Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in ay xoojinayso in la dadajiyo dhaarinta iyo guda galka doorashooyinka, waxaana ay ka digtay tallaabooyinka lagu dheereysanayo muddo xileedka kaasoo ay ka shaqeynayaan qaar kamid ah xafiisyadii loo igmaday inay hawshan si hufan usoo gabagabeeyaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post