1833 Views

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir uga qeyb galaya Dalka Kuwait

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir uga qeyb galaya Dalka Kuwait
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL  March 02, 2019 –Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa gaaray Magaalada Kuwait City, halkaasi oo uu kaga qeyb geli doono Shirka Dhaqaalaha Carabta, kaasi oo ka dhici doona magaaladaasi.

Wasiirka ayaa ku amaanay madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen.

“Waxaan gaaray Magaalada Kuwait City oo aan dhawaan uga qeyb galidoono shirka dhaqaalaha Carabta. Waxaan u mahadcelinayaa Masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwait oo si heer sare ah iisoo dhaweeyay”ayuu yiri wasiirka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay Soomaaliya, iyadoo dhawaan warbixin ay soo saartay Hay”adda lacagta Aduunka ee IMF lagu bogaadiyey koboca dhaqaale ee Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment